Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ku Wajahan Magaalada Garoowe

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya, Aadan Maxamed Nuur iyo Wafti uu hoggaaminayo ayaa maanta ku wajahan xarunta Maamulka Puntland ee Garoowe…

Wararka ayaa sheegay in maalmo ka hor, Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland uu u magacaabay qabanqaabada soo dhaweynta Aadan Madoobe Guddi Xildhibaano ah, oo gaaray 8 Mudane, kuwaas diyaarin doona soo dhaweynta Guddoomiyaha.

Lama oga xaqiiqada rasmi ah ee la xariirta socdaalka Guddoomiye Aadan Madoobe, balse wararka ayaa sheegaya inuu daaran yahay xoojinta wada shaqeynta Golaha Shacabka BJFS iyo Baarlamaanka Puntland.

Aadan Madoobe ayaa kulan la qaadan doona Madaxda sare ee Puntland, sida Ku-simaha Madaxweynaha ahna Madaxweyne kuxigeenka Puntland iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland, iyadoo Mr.Deni uu safaro ku kala aadi doono Dalalka Kenya iyo UAE.

222930cookie-checkGudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka oo ku Wajahan Magaalada Garoowe