Ma Dhabaa In Farmaajo Uu Wakiil U Dirsaday Magaalada Kismaayo

Somalia news

Warbixino hordhac ah oo laga helay ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in Farmaajo uu Uu Magaalada Kismaayo u dirsaday Wakiil ka soo Beesha Mareexaan isla markaasna lagu sheegay magaciisa Senator Cabdiweli Cilmi (Goonjeex) ka tirsan Aqalka Sare, Farmaajo ayaa muddo 4 sano Dagaal kula jiray Maamulka Sheekh Axmed Madoobe…

Maxaa Isbedelay Xiisada Jubooyinka:-

Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Senator Goonjeex oo Wakiil ka ah Farmaajo ayaa ka degay Magaalada Kismaayo, waxaana la sheegay in Saraakiisha ka tirsan Ciidamada Kenya (Amisom) iyo kuwa Maamulka Jubbaland ayaa ku soo dhoweeyay Magaalada, wuxuuna ergo ka yahay Farmaajaha Fashilmay oo doonaaya inuu xarun KMG ah ka dhigtay Magaalada kismaayo, talaabadaan ayaa cadeynaysaa in Farmaajo Xamar ka samray Kismaayana Halis ay soo dhaweysatay.

Durbadiiba Waxaa soo shaac baxaaya qeylo Dhaan iyo walaac lagu muujiyay tegista Senator-ka, Waxaa loogu baaqay Maamulka Sheekh Axmed Madoobe inuusan soo dhoweysan Horjoogaha Fashilmay iyo Wakiilkiisa kuwaasoo muddo 4/sano ah qorsheynaayay sidii duulaan loogu qaadi lahaa Kismaayo isla markaasna ku soo rogay Cunaqabateyn Dadka Degaanka.

Digniin:-Colaadii iyo Hubkii Gedo lagu aruurinayayna hadda Bilow tahay!

117540cookie-checkMa Dhabaa In Farmaajo Uu Wakiil U Dirsaday Magaalada Kismaayo