Tiradii ugu Badneyd ee ku Barakacday Gudaha Dalka Sababo la xiriira Dagaalo & Abaaro..

Somalia news

Warbixin hordhac ah ayaa tilmaamaya in markii ugu horeysay ay kordheen Barakacayaasha gudaha Dalka, iyadoo lagu sababeeyay Dagaalada Sokeeye oo ka qaraxay degaano dhowr ah, Abaarta iyo Daadadka ka dhashay Fatahaada Wabiyada…

Warbixintaan ayaa daboolka ka qaaday in 1-Million oo Qof ay ka barakaceen Guryahooda, Tirakoobyada ay diiwaan geliyeen UNHCR, Hay’adda Qoxootiga Adduunka ee NRC, iyo Norwegian Refugee Council (NRC), ayaa muujinaya in iska horimaadku uu ka mid ahaa sababaha ugu waaweyn ee barakaca intii u dhexeysay 1-dii Jannaayo iyo 10-kii May ee sanadkan, halka in ka badan 408,000 oo qof ay ku baro-kaceen daadad ku soo rogmaday guud ahaan guryahooda. tuulooyinka iyo 312,000 oo qof oo kale ayaa ku barokacay abaar ba’an. Inta badan dadkaasi waxay u qaxeen gobollada Hiiraan ee bartamaha iyo Gedo, ee koonfurta Dalka.

Kuwani waa tirooyinka naxdinta leh ee qaar ka mid ah dadka aadka ugu nugul oo lagu qasbay inay ka qaxaan guryahooda kuwaasoo duruufo dhaqaale yari ay ugu darsantay mid Colaadeed,” ayuu yiri Agaasimaha NRC ee Soomaaliya Maxamed Cabdi. “Iyadoo 1 milyan oo qof ay horay u barakaceen wax ka yar shan bilood, waxaan laga yabaa iney kordhaan Barakaca bilaha soo socda maadaama dhammaan dagaalada ay weli socdaan abaartana ay fara ba’an ku heyso Dadka Somalia.”

257570cookie-checkTiradii ugu Badneyd ee ku Barakacday Gudaha Dalka Sababo la xiriira Dagaalo & Abaaro..