Dil Ka Dhacay Duleedka Muqdisho..

Uncategorized

Wararka hordhaca ah ayaa sheegaya in Dabley hubaysan ay nawaaxiga Isgoyska Excontrol Afgooye ku dileen laba Askari oo ka tirsanaa Ciidamada dowladda…

Dilkan ayaa yimid, kadib markii dableyda hubaysan ay beegsadaan Askartaan, xilli ay ku mashquulsanaayeen uruurinta Canshuurta ee bartaasi.

Dad goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen ragga dilka gaystay inay ahaayeen laba nin oo ku hubaysan Bistoolado, kadibna ay ka baxsadeen goobtii ay ku dileen labada Askari.

Dilka Askartaasi kadib waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda Federalka Somaliya oo goobta ka sameeyay hawlgal lagu raadinaayo raggii dilka gaystay, inakstoo aan la soo qaban.

Qeybta Amniyaadka ee shabaab ayaa dilalka gaadmada ah waxa ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho, kadib iyagoo ka baxsada goobaha Askarta ay ku dilaan.

20070cookie-checkDil Ka Dhacay Duleedka Muqdisho..