Ma Dhabaa In Ciidamo Diideen In Gedo…

Uncategorized

Warbixino hordhaca ah ayaa sheegaya in Saraakiisha Ciidamada ee Maamulka Villa Somalia ay la sheegay iney Howlgalo baaris ah ka wadaan xaafadaha Muqdisho, waxeyna ku raad joogaan tiro askar diiday in loo qaado gobolka Gedo.

Xogtaan ayaa tilmaamtay in Askartaan ayaa tiradooda lagu qiyaasay ilaa 40-, waxayna la baxsadeen hubkii dowladda siisay, waxaana la la’yahay muddo 2-todobaad ah, halka kuwii la geeyay midkood lagu Dilay Magaalada B/xaawo Qaar kalena lagu dhaawacay, daryeel la’aan ku heyso degmada Doolow.

Kooxdaan oo ka tirsan qeybta Birmadka Boliiska (Haramcad) ayaa diiday inay kamid noqdaan askarta loo qaaday Gobalka Gedo, waxayna sababta ku sheegeen dhowr qodob oo kala ah.

– In aysan dagaal beeleed diyaar u aheyn iney ka qeyb qaataan.

-Degaanka loo qaaday oo aysan aqoon u laheyn, iney kula dagaalaan rag xaafadaha kala yaqaana dadkoodiina u dagan yihiin.

-Maamulka Farmaajo uusan adeegsan Dhalinyarada ka soo jeeda Gobolada Gedo kuwaasoo xiligaan Ilaalo ka haya xeyndaabka Villa Somalia, taasna ay u arkaan in naftooda halis la gelinayo.

– ineysan waalidoontooda ogoleen in loo qaado Gedo oo ay ku jirto xiisad dagaal, taasi oo horseedi kara khasaaro badan.

Dhamaan askarta baxsatay ayaa ah isku beel, kana soo jeeda Muqdisho, waxayna ahaayeen wiilal aanan waligood Muqdisho ka bixin.

Maamulka Farmaajo ayaa la sheegay inay la xiriireen odayaal dhaqameed markii hore damiintay Askartaan kuwaasoo lagu adkeystay iney Dib u soo celiyaan.

16060cookie-checkMa Dhabaa In Ciidamo Diideen In Gedo…