Dilalka Dhalinyarada Ka soo Jeeda Degaanada Konfur Galbeed oo Ku Badanaada Magaalada Garoowe..

Security Somalia news

Warbixino Amaan oo welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogaaya in Bilihii ugu dambeeyay ay guud ah Degaanada Maamulka Puntland ku soo badanaayeen Dilalka bareerka ah iyo kufsiga lagu hayo Dadka Degaanadaasi looga tirada badan yahay, iyadoo Maamulka Puntland lagu eedeeyay inuu ka gaabiyay inuu xakameeyo dhacdooyinka naxdinta xambaarsan…

Wararka ayaa sheegaya in Todobaadkii hore magaalada Garoowe lagu dilay Wiil Dhalinyaro ah oo ku sugnaa Goobtiisa Meherada ee Timaha lagu jaro kaasoo Magaciise lagu sheegay Cabdimaalik Xuseen, iyadoo Hey’adaha Amaanka ay ka gaabiyeen iney Cadaalada horkeenaan Gacan ku dhiiglaha dilka geystay.

Wararka ayaa sheegaya in shalay Wiil da’diisa lagu sheegay 18 sanno jir ah (Mustaf Manuur) oo ka soo jeeda Degaanada Konfur Galbeed, kaasoo ka shaqaysan jiray dhaqidda Gaadiidka ayaa lagu dilay magaalada Garoowe, xiliga dilkana dhaqaayay Gaari Leyla Calaaei ay ayaa waxaa dilay mid ka mid ah Ilaalada Hoteelka Taleex ee magaalada Garoowe.

Sidoo Nin ka soo jeeda Magaalada Boosaaso ayaa la sheegay inuu Gabar yar 9-sano jir ah ku kufsaday, Waxaana la xaqiijiyay in Hey’adaha Amaanka ay ka gaabiyay iney xakameeyaan Falalka iyo Tacadiyada guracan ee loo geysanaayo Dadka laga tirada badan yahay isla markaasna cadaalada la horkeeno Eedrysanayaasha falalkaasi geystay.

365480cookie-checkDilalka Dhalinyarada Ka soo Jeeda Degaanada Konfur Galbeed oo Ku Badanaada Magaalada Garoowe..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *