Halkii ayuu Ku Dambeeyay Fadhiyadii Baarlamaanka, La-xisaabtanka Maamulka & Arrintii Garsoorka Puntland

Somalia news

Tuhun ayaa hareeyay, iyadoo fadhiyada Baarlamaanka Puntland uu yeesho waxaa ugu dambaysay, July 30, 2022, markaas Goluhu galay fasaxii xuska 1-da Agoosto, waxayna ballantu ahayd in ay maalmo kaddib isu soo noqdaan oo sii wataan kalfadhiga 50-aad, iyagoo jawaab ka sugayay labo guddi oo loo xilsaaray la xisaabtanka Xukuumadda iyo arrinta Garsoorka….

Ayaan darrase, xiligaasi wixii ka dambeeyay Baarlamaanka Puntland ma yeelan fadhi dambe, waxaana Guddoomiyaha iyo Xildhibaano kale safar ugu baxeen dalka dibadiisa, gaar ahaan qaaradda Europa, taasoo ka dhigan in kalfadhigii 50-aad oo la xirin lagu kala tagay.

Waxaana maqnaanshaha ka faa’iideystay Madaxweynaha oo bilaabay inuu kulamo gooni gooni ah oo dhawaan yeesho Xildhibaannada Baarlamaanka, iyadoo talabadaani sababtay in Baarlamaanku laalo la xisaabtankii Xukuumadda iyo diidmadii xubnaha Garsoorka.

Xildhibaanada Puntland marnaba laguma xaman maddaxbannaani, waa Hay’ad ay laanta fulintu ku adeegato tan iyo asaaskii Puntland, U nuglaanta Baarlamaanka Puntland cadaadis ka yimaada madaxtooyada wuu kala duwanaa, wuxuuna ugu daran yahay Maamulka hadda talada haya ee hoggaamiyo Madaxweyne Deni.

209880cookie-checkHalkii ayuu Ku Dambeeyay Fadhiyadii Baarlamaanka, La-xisaabtanka Maamulka & Arrintii Garsoorka Puntland
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com