Mucaaradka Somaliland oo Maanta Qorsheystay iney Banaanbaxyo dhigtaan & Rabshado laga Cabsi qabo 

Somalia news

Waxaa Maanta oo Khamiis ah lagu wadaa in degaano ka mid ah Gobolada & degmooyinla Somaliland ay ka dhacaan dibadbaxyo ay dhigayaan Xisbiyada mucaaradka ee UCID & WADANI, kuwaasoo looga soo horjeedo Maamulka uu hoggaamiyo Muuse Biixi Cabdi…

Mas’uuliyiinta Xisbiyada Mucaaradka ayaa maalmihii la soo dhaafay waday qaban qaabada banaanbaxa, iygaoo ku eedeeyay Madaxweyne Muuse Biixi inuu doonayo muddo kororsi, waxana Xukuumadda Somaliland ay ku dadaaleysay in banaanbaxyada baaqdaan balse ayna lagu guuldareeysato qabashada.

Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa Xisbiyada Mucaaradka u cayintay inay banaanbaxa ku qabsadaan xarumaha Lixda Gobol ee Somaliland, balse xubno mucaaradka aysan ku qancin hadalkaas, Isla markaana ay qorsheysteen inay meel walba ku qabtaan, waxaana laga soo sheegayaa Degaanada Goboladaasi Isgaarsiinta & Internedyada ay Maamulka xakameeyeen.

206860cookie-checkMucaaradka Somaliland oo Maanta Qorsheystay iney Banaanbaxyo dhigtaan & Rabshado laga Cabsi qabo 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com