Maaddo ku jirta Cabitaan Soomaalidu Isticmaasho oo Laga Digay… 

Health World

Warbixin Caafimaad ayaa daaha ka rogeysa in Maaddada macaan ee (Aspartame) oo laga helo Cabitaanada kala duwan, Raashinka iyo Xanjada ama Nacnaca ayaa si rasmi ah loogu daray waxayaabaha “kansarka sababa” Aadanw, sidaas waxaa ku doodaya warbixinta oo soo baxday…

Digniinta ayaa Dadka Jah-wareer ku abuurtay maaddaama aysan caddeyn inta ay la egtahay halistu & in ay tahay mid yar ama halis weyn, Waxayaabaha kale ee lagu daray kuwa “kansarka sababa” waxaa ka mid ah, dacarta, shidaalka diesel-ka iyo nooca khudaarta dadka Aasiya ugu keydiyaan daasadaha.

Maxaa aspartame ku jira

Maaddada Aspartame waxay 200 oo jeer ka macaan tahay sonkorta, sidaas darteed kalooriyad la’aan ayey bixisaa dhadhanka macaanka, Waxaad ka heli kartaa liiska maaddooyinka cuntooyin badan ama cuntooyinka aan sonkorta lahayn oo ay ku jiraan cabitaannada ay isticmaalaan dadka cayilka ka baqaya, xanjada iyo qaar ka mid ah caanaha la fariisiyey ee yoghurt.

Cabitaannada caanka ah ee ay ku jirto aspartame waxaa ka mid ah cabitaanka shirkadda koka kola ee loo yaqaan Diet Coke, Coke Zero, Pepsi Max, iyo 7 Up Free, laakiin macaaneeyahan ayaa ku jira ilaa 6,000 oo cuntooyin kala duwan ah.

IARC, oo ah garabka cilmi-baarista kansarka ee Ururka Caafimaadka Adduunka, ayaa dib u eegis ku sameyneysay ilaa 1,300 oo daraasadood, kuwaasoo ku saabsan xiriirka ka dhexeeya aspartame iyo kansarka.

Si kastaba ha ahaatee, Hey’adda Caafimaadka Adduunka iyo Guddiga Khubarrada ee Ururka Cuntada iyo maadooyinka Cunnada lagu daro ayaa lagu wadaa inay soo warbixiyaan bisha Luulyo.

263670cookie-checkMaaddo ku jirta Cabitaan Soomaalidu Isticmaasho oo Laga Digay… 
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com