Diyaarad Drone ah oo ku Dhacay Degaan ay Maamulaan Kooxda Shababka…

Security Somalia news

Warar hordhac ah ayaa laga helayaa Diyaarad Drone ah oo cilad farsamo xumo ku timid ayaa la sheegay in shalay ay ku dhacday Degaan ay Maamulaan Kooxda Argagixisada Shababka oo ka tirsan Gobolka Shabeelada hoose, iyadoo ay su’aali ka taagan tahay Dalka iska leh Diyaaradaani & sababta..

Wararka ayaa sheegaya in Diyaaradaan ay ku dhacday Degaanka Farsooley oo ka tirsan Degmada Qoryooley, ilaa hadda lama xaqiijin karo sababta keentay iney ku dhacdo Degaankaasi, wax war ahna kama soo bixin Laamaha Amaanka Degmada iyo Dowlada Federaalka, iyadoo ay socdaan baaritaan la xiriira sababta ka dambeysa ciladaan ku timid Drone-ka.

Ku darsoo, Diyaaradaha Drones-ka waxaa Isticmaala Dowlada Federaalka, Ciidamada ATMIS, Dowladaha Turkiga iyo USA, iyadoo ay joogto noqdeen Diyaaradaha ciladaha soo gaara inta ay ku guda jiraan duulimaadyada hawada Degaanada ay Maamulaan kooxda Argagixisada Shababka, iyadoo aysan jirin baaritaano iyo daba gal lagu sameeyo sababta ka dambeysa.

348760cookie-checkDiyaarad Drone ah oo ku Dhacay Degaan ay Maamulaan Kooxda Shababka…