Sarkaal La Dhashay Madaxweyne Hore Oo Qarax La La Beegsaday

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa in Qarax la la beegsaday Sarkaal La dhashay Madaxweynihii hore Ee Somalia Col.Cabdullahi Yuusuf, kaasoo ka dhacay waqooyiga Magaalada Gaalkacyo Ee Gobolka Mudug (Puntland)…..

Warar hordhaca ah ayaa sheegaya in Sarkaalkaan Warsame Yuusuf Axmed (Yeey), oo ka tirsan Qeybta Baarista Dembiyada Boliiska Ee Waqooyiga Magaalada Gaalkacyo ayaa ka badbaaday qarax miino oo gaarigiisa loogu xiray, wuxuuna qaraxa uu dhacay intii uusan soo gaarin Sarkaalka Gaariga.

Goobta Qaraxa ayaa soo gaaray Mas’uuliyiinta Amaanka Gaalkacyo, iyadoo baaris ka bilaabay goobta qaraxa ka dhacay, Magaalada Gaalkacyo ayaa waxaa si joogto ah uga dhaca Qaraxyada iyo dilalka qorsheysan kuwaasoo intooda badan ay fuliyaan Maleeshiyaadka Kooxda argagixisada Shababka.

102060cookie-checkSarkaal La Dhashay Madaxweyne Hore Oo Qarax La La Beegsaday