Xildhibaano Mucaaradsan Mashruuca Wax ka Bedelka Dastuurka Oo Kutlad ku Dhawaaqay..

Somalia news

Faafaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa tiro Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka ee ka horjeeda Maahruuca iyo Qorhaha Maamulka Xasan Sheekh ee wax ka bedelka Dastuurka ayaa Muqdisho uga dhawaaqay Kutlad cusub, iyadoo Kooxahaan ay u badan yihiin Maamulkii Farmaajo…

Kutladan oo lagu magacaabay Toosin Qaran ayey ka dhex muuqdeen xildhibaano tobaneeyo ah, waxayna shir jaraa’id oo ay qabteen ku sheegeen inay u taagan yihiin ilaalinta Dastuurka dalka iyo sidii loo toosin lahaa Dowlada Federaalka.

Xildhibaan Khaliif Cumar Cabdi ayaa akhriyay war-saxaafadeedkii ugu horeeyay ee Kutladan soo saartay oo ay ku sheegeen inay u taagan yihiin ilaalinta Dastuurka, kana horjeedaan go’aanadii Madasha Qaran ee Wadatashiga. Kutladan waxay caddeysay inay ka walaacsan tahay qoddobadii kasoo baxay Golaha Wadatashiga Qaran oo ay sheegeen inaanloo dhammeyn, kana hor imaanayey dastuurka iyo heshiiyadii ay Soomaali wax ku dhisatay.

289870cookie-checkXildhibaano Mucaaradsan Mashruuca Wax ka Bedelka Dastuurka Oo Kutlad ku Dhawaaqay..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com