Qaraxyada Miinooyinka ee Lagu Bartilmaameedsanaayo Dhismayaasha Shirkada Hormuud & Guruga…

Somalia news

Todobaadkii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay qaraxyada Miino & Bambooyinka lagu bartilmaameedsanaayo Dhismayaasha iyo hantida Shirkadda Hormuud ee Gudaha iyo daafaha magaalada Mogadishu, qaraxyadaan ayaan geysan khasaare Nafeed balse burbur xoogan gaarsiyay Hantida Shirkadda…

Iyadoo qaraxii ugu dambeeyay lagu weeraray habeen hore Xafiisyo ay Shirkada Hormuud ku laheyd Degaanka Garasbaley ee duleedka magaalada Mogadishu, Qaraxaan ayaa ka dhashay Miino lagu aasay afafka hore ee dhismaha Shirkadda, iyadoo uu ka horeeyay Qarax miino oo lagu xiray afaafka hore Guri uu iska leeyahay Madaxweynaha Somalia kuna yaala Degmada Cabdulcasiis, iyadoo xiliga qaraxa la xaqiijiyay iney ku sugneyd Afada Madaxweynaha iyo Wiilkeeda.

Dowlada Federaalka iyo Shirkada Hormuud ayaan ka hadlin inkastoo xarumihii la qarxiyey aan dib loo furin, hadana waxaa shaki ku jirin iney ka dambeeyaan kooxda Argagixisada Shababka, lamana yaqaan wuxuu salka ku hayo weeraradaan dhismayaasha sababay in la beegsado xiliyada habeenkii ah, balse waa fariin la xiriira joojinta adeegyadii dhaqaale ee Kooxda dhex marsan jirtay Shirkadda oo muddo la joojiyay.

Dhanka kale, Madaxweynaha ayaa kulan la qaatay Saraakiisha iyo Taliyeyaasha Ciidamada oo uu kala hadlay xaaladda amni ee dalka gaar ahaan Caasimada, wuxuu warbixin ku saabsan wajiga koowaad ee howlgalka xoreynta ka dhageystay Taliska Ciidanka Xoogga, wuxuuna tilmaamay in hirgalinta qorshaha mudada dhow ay horseedayso  guulaha ay sugayaan Shacbiga Soomaaliyeed ee ku aadan ciribtirka Kooxda Shabaabka.

287940cookie-checkQaraxyada Miinooyinka ee Lagu Bartilmaameedsanaayo Dhismayaasha Shirkada Hormuud & Guruga…