Diyaarad Rakaab Siday oo Khatar geliyeen Raxan Shimbiro ah

U.S. World

Faahfaahin ayaa laga helayaa Diyaarad nooca Rakaabka oo ku sii jeeday dhinaca konfur galbeed ee Mareykanka ayey qasab ku noqtay iney degdeg ku degto kadib markii shimbiro ay ku dhaceen mid ka mid ah matoorada Diyaarada, waxaana iska leh Diyaarada Shirkadda Southwest Airlines..

Diyaardaan ayaa ka soo duushay Magaalada Havana (Cuba) kuna si jeedday Gobolka Florida, ayaa gudaha diyaarada waxaa ka buuxsamay qiiq kadib shilka Shimbiraha wax yar ka dib markii ay kacday maalinimadii shalay subaxnimadii, Ma jirin cid wax ku noqotay shilkaasi iyadoo labada duuliye ee  diyaaradda dib ugu celiyeen Havana halkaa oo dadkii la socday laga dejiyey.

Diyaaradaan oo nooceedu ahaa Boeing 737 ayey saarnaayeen 147 qof oo rakaab ah iyo lix shaqaale ah, iyadoo Rakaabkii saarnaa la sheegay ay ku neef qabatimeen, kadib markii uu qiiq madow ah soo galay Gudaha Diyaaradda isla markaasna uu shaqeyn waayay mashiinada hawada siiya gudaha diyaarada.

245430cookie-checkDiyaarad Rakaab Siday oo Khatar geliyeen Raxan Shimbiro ah