Ma Dhabaa in FIFA ay Aqoonsatay mid ka mid ah Garabyadii Xiriirka Kubada Cagta Somalia

Somalia news

Kadib markii muran iyo khilaaf jiitamaayay muddo dheer doorashada Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubada Cagta, kaasoo saameyn ku yeeshay Howlaha Xiriirka & Cayaarahaba isla markaasna laba doorasho lagu qabtay magaalada Mogadishu ayaa go’aan ka soo saartay Xiriirka FIFA…

Wararka ayaa sheegay in Xiriirka Kubada Cagta Aduunka FIFA ayaa la sheegay inuu aqoonsaday mid ka mid ah Garabyadii khilaafka ka dhaxeeyay kaasoo uu hormuud u ahaa Xoghayaha KMG ah ee Xiriirka Kubada Cagta Ee Somalia Mr.Cali Shiino, kaadoo la sheegey inuu kaqeyb galay shir caalami ah oo ay doo diyaarisay FIFA lagu qabtay magaalada Paris ee Dalka France.

Garabka kale ee uu hogaaminaayay Xasan Aadan Yabarow oo lagu doortay Hotelka Jasiira ee magaalada Mogdishu ayaan weli ku qancin gi’aanka ay soo saareen FIFA, waxeyna sheegeen iney Racfaan ka qaadanayaan Go’aankaasi, Mas’uuliyinta Wadaarada Ciyaaraha ayaa la sheegay iney ku guuldareysteen xalinta Khilaafka ka tagaan muddo bilo ah Doorashada Hogaanka Xiriirka.

245380cookie-checkMa Dhabaa in FIFA ay Aqoonsatay mid ka mid ah Garabyadii Xiriirka Kubada Cagta Somalia
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com