Diyaarad Sahan Ah Oo Argagax Galisay Shacbiga

Travel

Wararka hordhaca ah ee naga Soo gaaraya Gobolka Sanaag ayaa sheegaya in Maalmihii ugu dambeeyay ay Diyaarad yar oo ka timid dhinac Jabuuti ay khamiistii, Sabtidii iyo oo Isniintii Shalay ay dul wareegaysay degaano hoos taga gobolada Sool iyo Sanaag , taas mararka qaarkood joog hoose ku duulaysa…

Diyaaradan oo u muuqatay mid sahan ah ayaa maalmahan dambe dul heehaabaysay gobolada Sool iyo Sanaag, taas oo aan wali la aqoonsan dalka ay diwaangashan tahay.

Diyaaradan ayaa magaceedu yahay Beech 350 Super King Air, Flight Radarkeedu ma sheegayo meesha ay ka timid iyo meesha ay ku socoto iyo wadanka ay ka diwaangashan tahayba iyo iney xiriir la sameysay Maamulka Hawada ee Somalia.

Ilaa hadda Maamulka Hawada iyo Maamulada degaankaasi ay ka gaabiyeen iney ka hadlaan dulimaadka diyaarad yar oo ka soo duushay Dalka Jabuuti, Duulimaadka diyaaradaan ayaa cabsi ku abuurtay Dadka degaanka iyo xoolahaba.

23840cookie-checkDiyaarad Sahan Ah Oo Argagax Galisay Shacbiga