Share the post "Djibouti Oo Amar Bixitaan Dul Dhigtay Dadka ka soo Ethiopia, Somalia & Yemen.."
Dowladda Djibouti ayaa bilawday olole balaaran oo isugu jira xariga iyo masaafurinta Muwaadiniinta Ethiopia, Yemen iyo kuwa Somalia iyo Dadka kale, kadib markii ay ku xadgudbeen sharciga degenaanshaha iyo shaqada, talabadaan ayaa Dadka Degaanka aad u soo dhaweeyeen..
Howlgakadaan Hey’adaha Amaanka & Socdaalka iska kaashanayaan ayaa imaanaya iyadoo ay sii xumaanayso xaaladda amni iyo dhaqaale ee ka taagan Dalalka Muwaadiniintaan la musaafurinayo ay horey naftoodi ugala soo carareen, taasoo keentay walaac xooggan oo caalami ah, Dalkaan ayaa waxaa soo gaaray qaxooti badan oo Yemeni ah tan iyo markii uu bilowday dagaalka Yemen siddeed sano ka hor.
Ilo Degaanka ah iyo Dadkii ka badbaaday masaafurinta ayaa sheegay in ololahan ay ka mid ahaayeen howlgallo lagu qaaday xeryo la degan yahay oo aan rasmi ahayn, boqolaal qof oo la xiray, iyadoo Dowladda Djibouti ay qorsheeneyso in muwaadiniinta ay u kala dirto Dalalkii ay ka yimaadeen iyadoo kaashaneysa Hey’adda Qaxootiga UNHCR.
Hay’adaha Samafalka ayaa ka digay khatarta soo food saartay dadka barakacayaasha ah, gaar ahaan haweenka, carruurta iyo dadka da’da ah, haddii ay dib ugu laabtaan goobaha colaadda ay ka jiraan gaar ahaan kuwa Soomaalida iyo Yemeniyiinta.