China & US Oo Diiday In Cunaqabateynta Hubka Laga Qaado Somalia

Somalia news

Wakiilada Dowladaha China iyo Mareykanka Ee Golaha Amaanka Ee Qaramada Midoobay ayaa si cad waxey ugu baaqeen in lagu sii hayo Somalia Cunaqabateynta Hubka si uu qeexaayo Qaraadada tirsigoodu yahay 751 iyo 2498 ee ka hadlaaya xayiraadka Hubka culus in laga iibiyo Somalia….

Danjirayaashaan oo ka qeyb galay fadhi fogaan arag ah oo ay yeesheen Xubnaha Golaha Amaanka QM Arbacadii ayeey waxey ku taageereen Guddiga U.N.-ka Ee u xilsaaran dabagalka Arrimaha Somalia hindise ay hor dhigeen Golaha kaasoo ahaa in lagu sii hayo Somalia Cunaqabateynta Hubka. bacdamaa ay Si fudud dhaqaale ku helaan Kooxaha argagixisada Ee Shababka Iyo Daacishta.

Kelly Craft oo ka mid ah Ergada US Ee Golaha Amaanka ayaa xustay in Warbixinta Guddiga la socodka Arrimaha Somalia ay tilmaamtay in Kooxda Shababka ay si fudud dhaqaale uga helaan si fudud ilaha dhaqaalaha sida Dekada iyo Garoonka diyaaradaha, waxeyna intaasi raacisay in loo baahan yahay in si buuxda loo kordhiyo xayiraadaha.

Mr.Zhang Jun Wakiilka China Ee Golaha Amaanka Ayaa soo dhoweeyay wada shaqeynaayay dhaxeysa Somalia iyo Guddiga dabagalka, wuxuuna intaasi raaciyay inuu soo dhaweynaayo in muddada la kordhiyo mudada Qaraaradaan oo Bisha November laga doodi doono, hadal kaliyah laguma gaari karo la dagaalanka Kooxaha argagixisada iyo yareynta rabshadaha, waana iney noqotaa mid macno leh. Ayuu sheegay Mr.Jun.

Dhawaaqyadaan USA iyo China ayaa dharbaaxo ku ah dalabyo Muddo sanooyin ah ay wadeen Maamulada Dowladaha Somalia u gudbiyeen Golaha Amaanka Ee UN-ka, kuwaasoo ku saabsan sidii looga qaadi lahaa Cunaqabateynta Hubka Ee saaran Somalia “ Maadama ay caqabad ku tahay ciribtirka Kooxaha argagixisada”.

69480cookie-checkChina & US Oo Diiday In Cunaqabateynta Hubka Laga Qaado Somalia