Farmaajo Oo Ku Guuldareystay Inuu La Kulmo Madaxweynaha Djibouti

Somalia news

Warar hordhaca ah ayaa laga helayaa Magaalada Kinshasa kaasoo sheegaya in Madaxweynaha Xilku ka dhamaday Farmajo uu Maalmihii ugu dambeeyay ku mashquulsanaa sidii uu u la kulmo Madaxweynaha Dalka Djibouti,si uu uga helo taageero shirka AU ee ka socday Waddanka Congo….

Madaxweyne Ismaaciil,ayaa diiday kulankaas oo yiri waxaan ahay Oday Soomaaliyeed, waxaan ahay ninkii idin heshiisiin lahaa. Sidaas awgeed, madaama aad Doorashada ku qaban weyday wakhtigeeda kulan kulama qaadan karo xiligaan Sorry.

Dhinaca kale, Farmaajo,ayaa ka codsaday Madaxweynaha Congo in uu dhexdhexaadiyo Somalia iyo Kenya. Mar kale, ayaa waxaa diiday Madaxweynaha Kenya oo yiri madaama Farmajo uusan lahayn mandate siyaasadeed lama fariisan karo.

Sidoo kale, EU iyo UK,ayaa u sheegay ururka AU in aan Farmaajo iyo Dowladiisa la siin karin tixgelin gaar ah ama taageero siyaasadeed madaama uusan ku fadhiyin sharciyad.

Farmaajo,ayaa ku guul dareystay in uu ka helo shirka AU wax guul siyaasadeed ah, Qoraalka Shirka,ayaa la filayaa inuu ku baaqo wadahadal iyo in lagu laabto Teendhada Xalane.

112380cookie-checkFarmaajo Oo Ku Guuldareystay Inuu La Kulmo Madaxweynaha Djibouti