Ganacsatada Boosaaso Oo Diyaariyay Qorshe Lagu Dayaxtiraayo Dekeda

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in Koox Ganacsato ah oo degaanka ka soo jeeda ayaa ku yaboohay dhaqaale lagu dayactiraayo Dekada Magaalada oo ay maamulaan Shirkadda DP World, kadib markii lagu eedeeyay iney ka gaabiyeen dayactirka Dekada…

Kooxdaan ayaa kulamo hordhaca ah la yeeshay Wasiiro ka tirsan Maamulka Puntland waxey hordhigeen qorshe lagu dayactiraayo Dekada ayna maalgelinayaan, Shirkadaan ay dhisteen Ganacsatada Degaanka Oo Lagu magacaabo Wadajir ayaa sheegay iney caqabo xoogan ka heystaan qeybaha Dhoofinta iyo soo dejinta Dekada.

Sanadkii 2017-kii ayeey Maamulka Puntland waxey heshiis la galeen Shirkadda DP World taasoo maamuli doonta Dekeda muddo 30-sanadood ah, iyadoo ay Mas’uuliyiinta Shirkadda ka gaabiyeen iney dayactiraan qeybaha kala duwan ee Dekeda.

Dekada ayaa la sheegay inuu tartan kala dhaxeeyo Dekedaha Berbera iyo Mogadishu, inkastoo Dekeda Berbera ay Maamulaan DP World, ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka Shirkadda iyo Puntland.

165860cookie-checkGanacsatada Boosaaso Oo Diyaariyay Qorshe Lagu Dayaxtiraayo Dekeda