Dood ka Taagan Xilalka & Saameynta Ganacsiga Soomaalida Kenya ay ku leedahay…

Africa News Security Somalia news

Warbixin welwel xambaarsan ayaa daaha ka rogeysa in Soomaalidu ay mid tahay qawmiyadaha Dalka Kenya ku nool waxeyna degaan Gobolada Waqooyi Bari ee Kenya, iyagoo dhaqaale xoogan ku leeyihiin caasimadda Nairobi iyo weliba Degaanada xeebaha Dalkaasi, inkastoo sanadihii ugu dambeeyay Olole xoogan oo abaabulan lagu soo qaaday…

Muddooyinkaan dambe Warbaahinta iyo Baraha bulshada waxaa ka bilowdey dood looga soo horjeedo saameynta Xilalka ay Dowladda ka hayasn Qawmiyada Soomaalida Kenya ay dalkaas ku leedahay, Doodaan Soomaalida looga soo horjeedo waxaa garwadeen ka ah Siyaasiyiin iyo Baaderiyo, iyagoo bilaabay in Somalida Kenya loo isticmaalo Ereyo ay ka yihiin “Somali Oligarchs”, si indhaha Bulshada kale ee Kiinyaanka ah ku soo jeediyo.

Ololahaan naceybka ku dhisan ayaa waxaa udub dhexaad u ah Qodobadaan hoosta ku xusan:-

-Saameynta iyo xilalka waaweyn ee ay ka hayaan Maamulka Madaxweyne William Ruto.

-Saameynta dhaqaalaha dalkaas ay ku yeesheen.

Ololahaan ayaa waxaa horseed ka ah Madaxweyne kuxigeenkii Xilka laga xayuubiyay iyo xubno kale oo Siyaasiyiin iyo Baaderiyo ah kana soo jeedaa Qawmiyadda Kikuyu kuwaasoo lagu tiro iney ugu tiro badan yihiin Beelaha Dalkaasi ku wada nool, inkastoo aragtiyada ay Shaqsiyaadkaasi dhiibtaan aysan had iyo jeer matalin aragtida Qabiilka oo dhan.

Ganacsato badan oo Kenyan ah kana soo jeeda Qawmiyadda Soomaalida ayaa miisaan Dhaqaale oo muuqda ku leh Dalka Kenya, gaar ahaan qaybaha ay ka midka yihiin Hantida ma-guurtada ah, Bangiyada, Saadka, iyo Isgaarsiinta, Shaqsiyaadkaan wada abaabulka naceybka ku dhisan ayaa doonaya in Soomaalida Xilalka ka haya Maamulka Ruto meesha laga saaro laguna bedelo kuwa Beeshooda ka soo jeeda.

Fikradaha xagjirnimada ah ee lagu faafinaayo baraha bulsada ee looga soo horjeedo hormarka Kenya ee ay horseedka ka tahay qawmiyadda Soomaalidu ayaa keeni kara burbur dhaqaale iyo mid bulsho.

357460cookie-checkDood ka Taagan Xilalka & Saameynta Ganacsiga Soomaalida Kenya ay ku leedahay…

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *