Hey’adda Sirdoonka oo Magaalada Mogadishu ka soo Qabatay Horjooge Ka tirsan Shababka…

Somalia news

Qoraal ay Barteeda X ku leedahay Hey’adda Sirdoonka Somalia ayaa ku shaacisay iney howlgal ay ka fuliyeen magaalada Mogadishu ku soo qabteen Horjooge Muxyadiin Daqare oo ka soo jeeda Jufada Reer Hilowle ee Beesha Sacad, isagoo ka mid ahaa Horjoogayaasha Kooxda kuwaada ugu firfircoona..

Horjogahaan ayaa laga qabtay laga qabtay magaalada Mogadishu oo muddo ku dhuumaaleysanaayay, wuxuuna ka qeyb qaatay Shirqiiladii lagu dilay Taliyihii Qeybta 21-aad ee Xooga Dalka, isagoo ka soo howlgalay Gobolada Mudug, Galguduud, Bay iyo Gobolka Shabeelada hoose, wuxuuna ka mid ahaa Kaaliyayaasha Horjoogaha guud ee Kooxda Argagixisada Shababka Axmed Diiriye.

305950cookie-checkHey’adda Sirdoonka oo Magaalada Mogadishu ka soo Qabatay Horjooge Ka tirsan Shababka…
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com