Rooble Oo Loogu Baaqay inuu Isbedel ku sameeyo Hogaanada Hey’adaha Amniga

Somalia news

Kadib qalalaasaha Siyaasadeed iyo midka amni ee uu Dalka u horseeday Farmaajaha Fashilmay ayaa qaar ka mid Waxgarad & Musharixiita u taagan tartanka xilka ugu sarreeya Dalka, ayaa ku boorriyay iney taxadaraan, isla-markaana si geesinnmo leh u wajahaan kooxda qalalaasha u saxiibka ah ee waqtigu ka dhamaaday, kuwaasoo uu ku suntan “Argagaxiso siyaasadeed”….

Waxgaradkaan ayaa ugu baaqay Wasiirka 1-aad ee Dowlada Federaalka inuu is beddel deg deg ah ku sameeyo Hogaanka Hay’addaha Amniga kuwaasoo si toos ah siyaasadda ugu milnaa sanadihii la soo dhaafay, isla markaasna ka amar qaata Villa Somalia.

Musharrax Madaxweyne, Xildhibaan C/maan Cabdishakuur Warsame, ayaa sheegay inuu labo todobaad ka hor ka digay, qalaalasaha iyo qalqalinta amni, oo ay wadaan Kooxda waqtigu ka dhamaaday ee Farmaajo iyo Fahad Yaasiin hoggaamiyaan, kuwaas oo isku milay, hay’adii amniga iyo kooxda xiriirka la leh Al-Qaacida ee Shabaabka.

Xildhibaannada dhameystiray ku biiritaankooda Baarlamaanka 11-aad, ayuu ugu baaqay, in ay foojignaan dheeri ah muujiyaan, xilli ay soo baxayaan in qaar ka mid ah Xildhibaannada ka aragtida duwan Farmaajo, ay bartilmaameed yihiin xiligaan kala guurka ah.

180570cookie-checkRooble Oo Loogu Baaqay inuu Isbedel ku sameeyo Hogaanada Hey’adaha Amniga