12-Somali Ah Oo Garissa Lagu Qabtay

Somalia news

Wararka naga soo gaaraya magaalada Garissa ee dalka Kenya ayaa sheegaya in shalay ay Xoogaga amaanka ay qabteen 12-qof oo Soomaali ah kuwaasoo ay ku eedeeyeen iney sharci darro ku soo galeen degaankaasi sidda uu baahiyey telefishinka maxaliga ah ee Citizen Tv….

Wararka hordhac ah ayaa sheegaya in Kooxdaan Soomaalida ah lagu eedeeyay iney sharci darro ku galeen dalkaasi, isla markaasna aysan wadan dukumentiyo muujinaaya iney yihiin shaqaale ka tirsan Wasaarada Hormarinta Magaalooyinka oo iska leh Gaadiidka ay saarnaayeen xiligaasi, kaasoo noociisu ahaa Land cruiser.

Soomaalida ayaa laga soo xiray buundada Garissa-Tana. Qabashooda ayaa waxay timid Kadib markii ciidamadu dalbadeen iney soo saaraan Dukumentiyada la xiriira shaqada ay wadaan ay tahay mid rasmi ah, “Saraakiisha kadib waxay ogaadeen in aqoonsiga la siiyey uu ka duwan yahay midka gaariga dhabta ah, waxay kaloo ogaadeen in gaariga uu ka diiwaan-gishan yahay Wasaarada Horumarinta Magaalooyinka Garissa,” ayuu baahiyey Tv-ga oo soo xiganaya ilo wareedyo dhanka amniga ah.

61870cookie-check12-Somali Ah Oo Garissa Lagu Qabtay