Qeylo Dhaan Ay Soo Saareen Beelaha Benaadiriga

Somalia news

Qeylo dhaan ay soo saareen Beelaha Banaadiriga, kadib Kulan ay ku qabteen Magaaladda Muqdisho, ayeey si weyn ugu cambaareyeen qorshe ay shaqsiyaad ay isku heyb yihiin ay ku doonayaan iney boob ku qaataan kuraasta ay Banaadiriga ku leedahay matalaadda Golaha Shacabka Baarlamaanka Federaalka Somalia…

Kulankaan oo ay ka soo qeyb galeen dhammaan qeybaha bulshada ayna ka hadleen Odayaasha dhaqanka, Culumaa’udiinka, Aqoonyahanka, Haweenka, Dhallinyarada iyo waxgaradka kale Ee Beelaha Banaadiriga ayaa waxaa si weyn loogu cambaareeyey Wasiirka Badroolka Mr.Cabdirashiid Maxamed Axmed iyo ninka ay isku heyb yihiin oo lagu magacaabo Mr.Cabdullaahi Shiiqeey Baa-Xasan.

Waxey Wasiirka ku eedeeyeen inuu sanadkii 2016 uu Beelaha Banaadiriga ka qaatay kursi Baarlamaanka oo ka mid ahaa lixdii kursi ee ay Banaadiriga ku lahaayeen Golaha Shacabka, kadibna uu gaystay magaalada Baydhabo ee Xarunta Maamulka Koonfur Galbeed, kadibna u uu ku fariistay.

Waxey sheegeen in Wasiirka uu mar 2-aad isku dayayo inuu kursi labaad ka dhaco Beelaha Banaadiriga, si uu ugu fadhiisiyo nin qaabilsan dhanka dallaalida shidaalka Somalia Cabdullaahi Shiiqey Baa-Xasan, kaas oo wasiirka ay isku jufo yihiin, sida ay hadalka u dhigeen.

124660cookie-checkQeylo Dhaan Ay Soo Saareen Beelaha Benaadiriga