Macluumaad hordhaca ah oo laga helay Magaalada Dooxa ayaa sheegaya in Hogaanka Imaarada yar Ee Qatar ay ku bartiqaaday dalkeeda Wasiirada Arrimaha Amniga iyo Gudaha Ee Somalia iyo Kenya, dalaalkaan ay sheegay inuu ka dhaxeeyo Khilaaf Xoogan oo Dhanka Xuduudaha Badda iyo Biriga…
Ilo wareedkaan Ayaa Warsidaha Diinah.com news u xaqiijiyay in Hadalo Qarsoodi Ah ay ku sheegeen Magaalada Dooxa Wasiirka Amniga gudaha Ee Somalia Xasan Xundubey iyo Wasiirka Arrimaha gudaha ee Kenya Ferd Maitangi, iyadoo marka hore Ay gooni gooni ula kulmeen Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Qatar Sheekh Khalid bin Khaliifa bin Abdulcaziiz Al-Thani ahna Wasiirka Arrimaha gudaha Qatar.
Ra’iisul Wasaaraha Qatar Sheekh Khaalid bin Khaliifa bin C/casiis Al Thaani ayaa Labada Wasiir ka codsaday iney dhameeyaan Khilaafka u dhaxeeya labada isla markaasna dib loo soo celiyo Xiriirkii Diblomaasiyayeed Ee u dhaxeeya.
Maamulka Dooxa ayaa taageero dhaqaale iyo mid sirdoon si joogto ah siiya Maamulka Fashilmay Ee Farmaajo, hase ahaatee bilihii la soo dhaafay ayaa la sheegay inuu istaagay taageerada dhaqaale ee bilaha aheyd, kadib markii culeyso dibada ah iyo kuwo gudahaba la kulmeen.
Away Calankii Somalia mise Waa Wasiir Labada Dal u Shaqeeya!!🥱