Qoyasas Dagaal Beeleed Ugu Soo Barakacay Degaankii Ay Degaanaayeen

Somalia news

Muwaadiniin Soomaaliyeed oo tiradoodu lagu qiyaasay 500 oo qoys oo ka soo barakacay dagaallo beeleedyo ka socda deegaano hoose yimaada Degmada Wanlaweyn ee Gobolka Shabeelada hoose, ayaa la sheegay iney ku dhibaateysan yihiin Degmooyinka Dayniile iyo Kaxda Ee Gobolka Benadir….

Wararka ayaa sheegaya in Dadkaan barakac Ayaa aha ah ayaa intooda badan guryahoodii la gubay waxaana la Dhacay xoolihii ay dhaqan jireen, iyadoo sidoo kale dalagyadii beeraha dab la qabadsiiyay, waxeyna ka soo wazen degaanada Yaaqbariweyne, Jiirakuullow, Cabdigurey iyo degmada Wanlaweyn ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa cunno xumo iyo hoy la’aan ah ku wajahaya.

Maxamuud Axmed wuxuu qoyskiisu ka mid yahay boqollaal qoys oo labadii bishan Maarso ku biiray xerada Bangala ee degmada Dayniile, Wuxuu sheegay in qoyskiisa oo saddex qof ah iyo qoysaska kale ee cusub ay quutan raashiin qaaraan ah oo la siiyo hal waqti kaasoo maamulka xerada uu ka soo uruuriyo qoysaska horay xerada u degganaa oo 400 gaaraya.

Kaltuun Cali Yuusuf oo qoyskeeda ka kooban yahay toddobo qof isla markaana xerada Bangala timid kowdii bishan, waxay ka soo barakacday deegaanka Jiirakuulow oo ay ku lahaayeen iyada iyo wiilkeeda labo guri, toban ari ah, dukaan, iyo maqaayad.

Deegaannadan oo colaadaha qabiilladu ay ku soo laab-laabteen sanadihii u dambeeyay ayaa dagaalka hadda ka socda yahay labo qeyb oo u dhaxeeya qabiillo dhinac ah iyo Alshabaab iyo dadka deegaanka kaas oo billowday horaantii Sanadkaan bilowgiisa, Dadkan barakacaan maciin biday ayaa horay waxaa usaameryay biyo yarida iyo ayaxa xaalufiyay dalagyada beeraha iyo daaqa xoolaha, walow ay isku dayayeen in halganka maalinlahooda ay maareeyaan.

102300cookie-checkQoyasas Dagaal Beeleed Ugu Soo Barakacay Degaankii Ay Degaanaayeen