Dhalinyaro Ku Dagaalamay Bosaaso

Somalia news

Faahfaahino dheeraad ah ayaa laga helayaa dirir xalay fiidkii ka dhacay gudaha magaala madaxda gobolka Bari ee Boosaaso, dirirtaan oo la sheegay iney u dhaxeyso dhalinyaro degaanka degan, kuwaasoo qaab abaabulan u diriray, falkaan ayaa yimid xilli ay xaalada amaan Ee Magaalada uu dabac ku yimid…

Dirirtaan oo u dhexeeyey dhalinyaro ka soo kala jeeda xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland ayaa inta la xaqiijiyey waxaa ku geeriyoodey hal ruux halka ugu yaraan labo kalena ay ku dhaawacmeen, Dhalinyaradaan ayaa hub gacmeed isku adeegsaday, waxeyna ka soo kala jeeda laamaha Buush Qodaxa iyo Sandaqadaha, taasi oo sababtay inay soo ku soo baxaan ciidanka Amaanka gobolka Bari.

Xoogaga Amaanka oo ay ku adkaatay inay dhalinyaradaan xakameeyaan isla markaasna qaqabtaan ayaa rasaas ku kala cayriyey, waxaana hadda degan xaaladda magaalada sida ay noo sheegtay goob jooge ku sugan goobihii lagu dagaalamay.

72240cookie-checkDhalinyaro Ku Dagaalamay Bosaaso