Share the post "Dowlada Federaalka oo Guddi Farsamo u dirtay Dalka Turkiga Wada hadalada Ethiopia…"
Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa wafdiga Dowladda Federaalka uga qeyb galaya wajiga 1-aad ee wada hadallada farsamo ee kala dhaxeeya Dowladda Ethiopia ay gaareen magaalada Ankara ee Dalka Turkiga, iyadoo la doonaayo in la dardar geliyo wada xaajoodka…
Barta uu ku leeyahay X ayuu Wasiirka Warfaafinta Mr.Daud Aweys soo dhigay qoraal kooban waxaana uu yiri “Waxaan qeyb ka ahay Wafdiga Somalia ee u yimid Ankara si aan uga qeyb galno wejigii koowaad ee wada-hadallada farsamo ee u dhexeeya Somalia iyo Ethiopia, kaasoo ujeeddadiisu tahay sahminta sidii loo dhaqangelin lahaa heshiiskii Ankara”.
Iyadoo meertadaan ay isku arki doonaan guddiyada farsamo ee labada Dowladood ay iska soo xuleen ayaa diirada saari doono sidii ay Dowladda Ethiopia u heli lahayd marin biyood ganacsi oo ay Dowladda Somalia ku kormeeri doonto, Wasiirka ayaa sheegay iney (Somalia) ka go’an iney abuurto nabadda, xoojinta iskaashiga, iyo dhismaha xiriirka diblumaasiyadeed ee ku dhisan is-faham iyo ixtiraam.