Dowlada oo 3-Bilood dib u dhigtay Dhaqan-galka Go’aan horey uga soo baxay (Sababta)..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa daaha ka rogaaya in Culeys saar badan Milkiilayaasha Warshadaha Farsameeya Bacaha kadib, Wasaaradda Degaanka ayaa war cusub kasoo saartay Dhaqan-galinta wareegtada joojinta Bacaha ee halka mar la isticmaalo oo ku ekeyd 30-ka Bishan Juun…

Dhibaatada bacaha ee Degaanka

Bacaha suuqyada lagaga adeegto oo si weyn loo adeegsado waxay keentay faa’iido iyo dib u dhacyo intaba, Bacaha oo haddaba si aan habboonayn loogu tuuro meel kasta ayaa waxay keentay in ay saameyso Degaanka, kuwaasoo kama dambayntana xitaa ay u dhintaan duur-joogta iyadoo wasakh badanna samaysa.

Bacaha suuqyada iyo Dukaamada lagaga adeegto waxaa la soo saaray markii ugu horreysay sanadkii 1950 si ay dadka suuqyada ka adeeganaya alaabadooda gurahooda ugu qaataan, waxeyna dhibaato xoogan ku hayaan Xoolaha iyo Dhirta.

La dagaallanka Bacda

Tallaabooyin lagu dhiiri gelinayo in bacaha mar kale la isticmaalo si aan markiiba la isaga tuurin ayaa keentay in qiimaha bacda sare loo qaado sida ka dhacday Ireland oo cashuurta laga qaado bacda laga dhigay labo senti oo Mareykan ah bacdiiba, waxayna taas keentay in isticmaalkii bacda uu hoos u dhacay 90% markii la soo rogay nidaamkaasi sannadkii 2002.

Si kastaba ha ahaatee, xalka ugu fiican waa in bacda la isticmaalo oo aananna la tuurin oo la sii isticmaalo dhowr jeer intii la kari karo, si loo yareeyo bacaha la isticmaalo, kadibna in la xaqiijiyo in bacaha marka la iska tuurayo aanay hawada uun iska raacin oo si haboon loo asturaa.

334070cookie-checkDowlada oo 3-Bilood dib u dhigtay Dhaqan-galka Go’aan horey uga soo baxay (Sababta)..

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *