Halkee ayuu ku Biyo-shuban doonaa Khilaafka Dani iyo Abwaan Jibriil ee Xiliga kala Guurka

Somalia news

Warbixin hordhaca ah ayaa muujineysa in Madaxweynaha Maamulka Puntland uu qorsheynaayo inuu u adeegsado Garsoorayaasha Maxkamada Dastuuriga ah ee Puntland, sidii waxba kama jiraan looga dhigi lahaa Xeerkii laga ansixiyay Baarlamaanka…

Wararka ayaa sheegay in Xeerkaan uu ka dhigay in 44-Xildhibaan Tirada xilka ka qaadi karta Gudoomiyaha Baarlamaanka, iyadoo Tirada lagu soo celin doono 34-Xildhibaan, talabadaan ayaa Dad badani ku fasirteen in Mr.Deni uu dagaal siyaasadeedkiisa ku soo daray Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Iyadoo Mr.Jibril uu Kursiga Gudoomiyaha Baarlamaanka soo gaarsiiyay kuwa la mid ah kan Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa, laalida Xeerkaan waxaa Mooshin laga keeni doonaa Gudoomiye Jibril ka hor Bisha 6-aad ee Sanadka dambe. Qorshahaan ayaa loo dejiyay in la dooran doonaa Gudoomiye Baarlamaan cusub oo Shaqsi ay wadato Madaxtooyadu.

Hadafka Madaxtooyada xiligan uu fadhiyo Deni ay leedahay waa in ay mudo kororsi 2-sano ah uu usameeyo Gudoomiyahaasi, Lama saadaalin karo sida uu ku hirgeli karo damaca Madaxtooyada, iyadoo la og yahay in Gudoomiyaha Baarlamaaku ku leeyahay Xubnaha Maxkamada sare Labo Xubnood.

Gudoomiye Jibril, ayaa wuxuu ku noqday Mr.Deni khatarta ugu weyn ee xiligan wajahaayo wuxuuna ku xiran yahay dhamaan Siyaasiyiinta, Ganacsatada iyo Dhaqanka diidan qorshaha muddo kordhinta Mr.Deni, Ka hor xiritasmka kalfadhiga Baarlamaanka Deni iyo Abwaan si adag ayay iskugu dhaceen.

231950cookie-checkHalkee ayuu ku Biyo-shuban doonaa Khilaafka Dani iyo Abwaan Jibriil ee Xiliga kala Guurka