Heshiis Hordhac ah Oo Laga Gaaray Khilaafka Magaalada B/Weyne

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga soo Sheegaya kulamo Muddo 48-saacadood ah oo wadatashi ah oo xal loogu raadinayay xiisad ka taagneyd magaalada Baledweyne muddo todobaadyo ah ay Odayaasha Dhaqanka, Siyaasiyiinra iyo Waxgaradka heshiis hordhac ah laga gaaray…

Wararka ayaa sheegay Ugaaska Beesha Xawaadle Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Dowladda Federaalka iyo Xubno ka tirsan Dowlad goboleedka Hir-Shabelle ayaa si wadjir ah ugu guuleystay in heshiis hordhac ah laga gaaro xiisadii dhawaan ka dhalatay safarkii Magaalada Baledweyne loogu keeni rabay Madaxweynaha Hirshabeelle Cali Guudlaawe, taasoo keentay in ciidamo la baxay Badbaado Hiiraan ay la wareegen xarumahii Hirshabeelle ee Baledweyne.

Heshiiska horshaca ah ee la gaaray ayaa sheegaya in wax walba lagu dhameyn doono si nabdoon, waxayna labada dhinac ku balameen inay isugu yimaadaan shirweyne kale oo lagu dhameynaayo tabashada laga qabo maamulka Hirshabeelle, waxaana arintaasi la sheegay in looga dambeeynaayo talada iyo tabashada Beesha Xawaadle ay ka qabto Hirshabeele Ugaas Yuusuf Ugaas Xasan.

137820cookie-checkHeshiis Hordhac ah Oo Laga Gaaray Khilaafka Magaalada B/Weyne