Share the post "Dowlada Sudan Oo Cabasho dhan ka ah Maamulka Puntland u gudbisay Dowlada Somalia.."
Dowlada Sudan ayaa cabasho diblomaasiyadeed ugu gudbisay Dowladda Federaalka, taasoo ku aadan in Maamulka Puntland uu si dadban u caawiyo Maleeshiyaadka Rapid Support oo lagu eedeeyo gabood falo ka dhan ah Dadka Rayidka, Dambiyo dagaal iyo Xadgudubyo ka dhan ah Xuquuqda Adanaha ee Sudan..
Eedeyntaan ayaa waxaa udub dhexaad u ah sida la sheegay in adeegsiga Garoonka Diyaaradaha ee Boosaaso laga dhigay goob Saadka iyo Sahayda (loojistikada) ah loo marsiiyo Maleeshiyada, waxaana xiligaan Garoonkaasi maamula Saraakiil Sirdoon oo ka tirsan Imaaraadka Carabta waxeyna si sharci darro uga taageen Raadar iyo gantaalo lidka diyaaradaha ah, iyagoo keenay Diyaarado nooca qumaatiga u kac ee Dagaalka iyo Drones.

Wararka ayaa sheegaya in Isbitaal ay Maamulaan Qeybta Caafimaadka Ciidamada ee UEA laga hirgeliyay gudaha Garoonka, waxaana lagu daaweeyaa ilaa 70-Dhaawacyo culus qaba oo laga keenay Dalka Sudan, Dowlada Federaalka waxaa loogu baaqayaa Isla xisaabtan in Ciidamada Soomaaliyeed ee ku dhaawacmay howlgallada ka dhanka ah Daacish aysan helin daryeel la mid ah taas beddelkeedana ay tahay in ay ku tiirsanaadaan rugaha caafimaadka ee maxalliga ah oo aan inkaaniyaadka lahayn. Iyadoo Saraakiisha UEA ay ku adkeysanayaan in joogitaankooda caafimaad iyo ciidan ee Puntland ay diiradda saarayaan taageerada argagixisada, eedeymahan, haddii ay sax yihiin, waxay kor u qaadayaan walaaca ku saabsan doorka Maamulka Deni ee Puntland suurtagalka ah ee xaruntu ku leedahay caawinta dagaalyahannada shisheeye ee ku lugta leh dagaalka sokeeye ee Sudan.