Waa Kuma Siyaasiga Cabsida geliyay Maamulka Laftagareen ee Konfur galbeed

Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa in Siyaasi hubeysan oo mucaarad ku ah Maamulka Laftagareen kuna sugan magaalada Beydhabo, isla markaasna jeediya khubbooyin lid ku ah Madaxweynaha Konfur galbeed, wuxuuna digniin u diray ah inuu muddo xileedkiisu 30-maalmood uga harsan tahay…

Xogtaan ayaa xaqiijisay in Siyaasigaan lagu magacaabo Shiine Macallin Nuurow horeyna u ahaan jiray Taliyaha Daraawiishta Konfur galbeed, xiligii Shariif Xasan, kadibna waxaa Lafta gareen u magacaabay Gudoomiyaha Gobolka Bakool, khilaaf soo kala dhex galay dhanka siyaasada darteed xilka looga qaaday.

Xiisadaan ayaa cirka isku shareertay, iyadoo ay soo shaac baxayaan dadaalo nabadeed oo uu hormuud ka yahay Gudoomiyaha Baarlamaanka Federaalka, kuwaasoo lagu dhexdhexaadinaayo Dhinacyadaan hubka iyo abaabulka iska soo horjeeda ka wada gudaha iyo daafaha magaalada Baydhabo.

Warar hoose ayaa sheegaya in Mr.Lafta gareen uu ka codsaday Gudoomiyaha Baarlamaanka inuu gogol nabadeed ku baaqio isla markaasna fidiyo, maadama ay isku heyb yihiin Shiine maadama ay jiraan siyaasiyiin kale oo ku taageersan aragtida Shiine.

Baarlamaanka Degaanka ayaa muddo xileedka Madaxweynaha ka dhigay 5-sano, halka muddo xileedka lafta garwen uu ku eg yahay 19-Decembar 2022, Villa Somalia ayaa oggolaatay iney Maamul goboleedyada mudada kororsadaan si baal marsan Sharciga, waxaana talabadaasi qaaday Maamulada Galmudug, Hirshabelle, & Jubbaland, iyadoo Maamulja Dani oo 5-sano la doorto uu qorsheystay inuu muddada kororsado.

226590cookie-checkWaa Kuma Siyaasiga Cabsida geliyay Maamulka Laftagareen ee Konfur galbeed