Meydka Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo la soo Dhigay Xaafad ka tirsan Muqdisho

Somalia news

Warar dheeraad ah ayaa laga soo sheegayaa Meydka Askari ka tirsan Ciidamada Dowladda oo sida la sheegay Meydkiisa la soo dhigay xaafad ka tirsan degmada Shibis ee magaalada Muqdisho, meel aan wax badan ka fogeyn isgoyska Sanca….

Marxuumka ayaa waxaa jirkiisa ka muuqday dhaawacyo rasaaseed oo dilkiisa loo adeegsaday sida ay sheegayaan dadka degaanka, Inkastoo aan xog sax ah laga heynin cida geysatay dilka askarigan haddana wararka qaar ayaa sheegaya iney maalmo laga soo wacay xafiiska garsoorka Kooxda argagixisada Shababka, laguna wargeliyey inuu yimaado degaan ka tirsan Sh/hoose, si uu uga jawaabo dacwado loo heystay.

Marxuumka ayaa la sheegay inuu diiday tegitaanka degaanada loogu yeeray, isagoo sheegay inuu isku amini karin Kooxda Shababka, maadaama uu yahay askari ka tirsan Ciidamada Dowladda.

Dad uu muran kala dhexeeyey askarigan ayaa la sheegay iney ku dacweeyeen maxkamada Al-Shabaab, Lamana oga inuu xiriir ka dhexeeyey dilka askariga iyo diidmada uu ka muujiyey amarka Al-Shabaab.

84030cookie-checkMeydka Askari Ka Tirsan Ciidamada Dowladda Oo la soo Dhigay Xaafad ka tirsan Muqdisho