Maxaa Xiligaan dib u u soo Nooleeyay Khilaafka Hareeyay Xafiiska Xamse

Somalia news

Waxaa soo shaac baxaaya buuq iyo is-heysi ku saleysan Awooda Xafiiska Wasiirka 1-aad kaasoo muddo soo jiiramaayay isla markaasna uu ku guuldareystay Ra’iisul wasaaraha inuu xaliyo, xiisandaan ayaa u dhaxeysa Xoghayaha Joogtada iyo tiro Mas’uuliyiin kale…

Wararka ayaa sheegay in Qeybta Warfaafinta ee xafiiska Raisul Wasaaraha Somalia uu ka saaray Bogga Facebook ee xafiiskaasi War ama Post ku saabsanaa Xoghayaha Joogtada ah ee xafiiska RW Maxamed Abuukar Subeyr oo lagu wareejiyey xarun loogu talo galay iney ku shaqeyso Hey’adda Maareynta Masiibooyinka Qaranka, taasoo dhismaaheeda ay maalgelisay dowlada Sweden.

Wararka sheegay in Agaasimaha Warfaafinta xafiiska RW Farxaan Maxamed Jimcaale uu amar ku bixiyey in Page-ka xafiiska ee OPM Somalia laga saaro Postigaan, Mr.Jimcaale ayaa la sheegay inuu ku andacooday in war aan aheyn kan Ra’iisul Wasaaraha, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka iyo Xukuumadda lagu baahin karin bogaga sita magaca Xafiiska RW.

Maxamed Abuukar Subeyr oo ah Xoghayaha xafiiska RW ayaa talabadaasi aad uga carooday, sida ay sheegayaan ilo wareedyo lagu lagu kalsoon yahay inkastoo aan la ogeyn inuu qaaday talaabo arrintan ku aadam iyo in kale, Mr.Subeyr ayaa horey waxaa dagaal kala dhaxeeyay La-taliyaha Ra’iisul wasaaraha kaasoo markii dambe lagu amray inuu hoygiisa ku shaqeeyo.

229270cookie-checkMaxaa Xiligaan dib u u soo Nooleeyay Khilaafka Hareeyay Xafiiska Xamse