Dowlada Turkiga Oo Joojisay Dal-Ku-Galka (Visa) Noocyo ah Baasaboorada ee Somalia…

Security Somalia news

Macluumaad ayaa laga helayaa Go’aan ay soo saartay Dowlada Turkiga kuna wargelisay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Somalia kuna aadan in gebi ahaan la joojiyay Dal ku galkii (Visa) noocyada Baasaboorada Adeega (Service) ee Howladeenada iyo Shaqaalaha Dowlada ee Dalxiis ahaan ugu tagi jiray Dalkaasi..

Qoraal ay soo saartay Wasaarada Arrimaha Dibeda ee Somalia kuna taariikheysan 17-7-2024, iyadoo lagu wargeliyay Wasaaradaha iyo Hey’adaha Dowladda in la joojiyay Visaha lagu qaadan jiray Baasaborada Shaqada (Service-ka) uuna dhaqan geli doono laga bilaabo 18-ka-07- 2024, joojintaan ayaa timid kadib markii ay kordheen Dadka Tahriibka sida sharci darrada ah loo siiyo Baasaboorada Shaqada.

Ku Darsoo Baasaboorka Diblomaasiga iyo Adeegga Somalia ayaa 7-dii sano ee la soo dhaafay waxaa si xun u isticmaali jiray Dadka Tahriibayaasha ah ee doonaya in ay u safraan Dalalka Europe iyo Waqooyiga America, Waxaa jirta eedeymo dukumeentiyada la soo saaray iyadoon loo marin sifo sharci ah mararka qaarna waxaa laga iibiyaa Dad aan la hubin si lacag loogu bedelo.

Dhawaan Hay’adda Socdaalka iyo Ilaalinta Xuduudaha ee Mareykanka ay heshay in ka badan 70-Baasaboorka Adeegga iyo Diblomaasiga ee Somalia oo lagu daadiyay Xadka Mexico iyo Mareykanka., Waxaa la rumeysan yahay in Tahriibayaal ay tuureen Dukumeentiyada ka hor inta aysan si Sharci darro ah ugu gelin xuduudaha Mareykanka.

336500cookie-checkDowlada Turkiga Oo Joojisay Dal-Ku-Galka (Visa) Noocyo ah Baasaboorada ee Somalia…