Muxuu Saleysan Yahay Qoraalka Ethiopia u Gudbisay Golaha Amaanka ee UN-ka..

Africa News Somalia news

Qoraal cabasho oo uu Maamulka Abiy ee Ethiopia la sheegay inuu u gudbiyay Golaha Amaanka ayeey ku sheegeen iney ka argagaxeen warbixin loo gudbiyay Golaha Amaanka ee  (UNSC), kuna aadan Ciidamada ATMIS oo la filaayo inuu joogitaankooda iyo marka uu waqtigoodu dhamaado ee Somalia dabayaaqada sanadkaan ama horaanta sanadka soo socda..

Qoraalka ayeey ku xuseen Ergada Ethiopia ee UN-ka in laga been abuurtay nuxurka Heshiiska ay la gaareen Maamulka Gooni goosadka ee Waqooyiga Somalia uu ku saleysan yahay Walaalnimo iyo derisnimo, iyadoo ay soo baxaayaan Warar kale oo la xiriira ku lug lahaanshiyaha Howlgalada ATMIS-ka iyo iyagoo Maamulka Addis abeba iska indha tiraynayo Madax-bannaanida, Midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Somalia, dhamaan marka laga faa’iidaysto dhaqaale ay ka macaashaan Howlgalada ATMIS.

Talaabadani waxay daaha ka rogeysaa dabeecadooda dhabta ah ee Kooxda Oromumaa ee dareen ah iney bacahooda xir xirato dhawaan gudaha Somalia, Xiligaan Dowlada Federaalka ma daneyneyso wax wada shaqayn ah oo aan la samayso Ciidamada Maafiyada Ethiopia ee Oromadu hogaaminayso.

Ku darsoo Ma jiro hal Wadan oo taageeray MoA-da sharci-darrada ah ee la saxiixay Janaayo 1-deedii, marka laga reebo Kooxo Qowleysato iyo kuwa u ololeeya oo Sandarewrto lagu siiyo si ay qoraalo u soo dhigaan Baraha Bulshada iyo siyaasiyiin fashilmay.

310200cookie-checkMuxuu Saleysan Yahay Qoraalka Ethiopia u Gudbisay Golaha Amaanka ee UN-ka..