Villa Somalia Oo Shaki Ka Qaaday Kulamada Muqdishu

Somalia news

Warbixino ayaa laga helayaa Kulamo wada tashi ah oo Hogaamiyayaasha Xisbiyada Mucaaradka la yeesheen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug, kaasoo la sheegay iney culeys ku saareen sidii uu u bedeli lahaa Xubnaha Guddiyada Doorashada iyo Khilaafaadka ugu metelaaya Doorashada Somalia…

kulankaan oo ka dhacay Hoyga Mr.Qorqor ayaa waxaa ka qaybgalay Ra’isul Wasaarihii hore Xasan Cali Kheyre, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, Siyaasiga C/raxmaan C/shakuur Warsame Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir iyo Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow, waxaana kulanka ka maqnaa Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh & Musharax Daahir Maxamuud Geelle.

Macluumaadja laga helay kulanka ayaa sheegaya in Musharixiinta ay madaxweyne Qoorqoor ku cadaadiyeen inuu bedelo xubnaha Guddiga doorashooyinka ee uu soo Magacaabay, hayeeshee uu weli iska difaacayo eedeynta ay u jeediyeen oo ah in uu kasoo xulo xubno ka tirsan NISA, Shaqaalaha Dowladda iyo Taageerayaasha.

Wararka ayaa sheegaya in Villa Somali ay aad uga walaacsan tahay saamaynta Ra’iisul wasaarihii hore Mr.Xasan Cali Khayre ku leeyahay Hogaamada Koonfur Galbeed iyo Galmudug gaar ahaan madaxweyne Lafta-gareen iyo Mr.Qorqor.

Villa Somalia ayaa doonaysa in Madaxweynayaasha Qorqor iyo Laftagareen aysan iska bedelin go’aamadoodii hore isla markaana ay diidaan qorshe kasta oo Xisbiyada Mucaaradka iyo Wakiilada beesha caalamku ku doonayaan in xal looga gaaro cabashada laga Keenay Guddiyada ayna ku adkeystaan in xubnaha ay gudbiyeen ay yihiin kuwii ugu habboonaa ee ka shaqayn lahaa guddiga doorashada.

74240cookie-checkVilla Somalia Oo Shaki Ka Qaaday Kulamada Muqdishu