Ma Dhabaa in Maareeyihii SoBS Xilka looga Qaaday Maamul xumo & Musuq

Somalia news

Macluumaad dheeraad ah ayaa laga helayaa shaqo ka joojintii Madaxii Hey’adda Tayo-dhowrka Mr.Cali Gurbe kaasoo muddo 3-bilood ah xilka Hey’adda uu hayay waxaana lagu eedeeyay inuu ku tagri falay Awooda Xafiiska, kadib markii baaris lagu sameeyay Qandaraas uu siiyay Shirkad Turki ah…

Wararka ayaa sheegay in Mr.Gurbe oo xiriir dhow la leh Wasiiru Dowlaha Madaxtooyada iyo Xildhibaan Saabir Nuur Lugey, isla markaasna jagadaan u qalqaaliyay, ayaa lagu eedeeyay inuu Shirkad Turkish ah Tartan la’aan u saxiixay, iyadoo Shirkaddo dhowr ah oo Somali iyo Ajaaniib ah doonaayeen iney ka qeyb galaan Tartankaasi.

Digniino loo jeediyay Mr.Gurbe ayuu dhegaha ka fureystay, iyadoo Mrs.Xaawo Xasan oo u dhaxda Wiil uu dhalay Madaxweynaha Somalia ay kuxigeen ka tagay Hey’adda SoBS ay ku eedeeysay Mr.Gurbe inuu ku tagri falay awooda Xafiiska.

235810cookie-checkMa Dhabaa in Maareeyihii SoBS Xilka looga Qaaday Maamul xumo & Musuq