Madaxtooyada Somalia Oo Abaabuleysa Isu soo bax Amarna dul Dhigtay Wasaaradaha

Somalia news

Faahfaahin dheeraad ah ayaa laga helayaa Madaxtooyada Villa Somalis ayaa bilowday qabanqaabo xoogan oo ku aadan isu soo bax ballaaran oo loogu magacdaray “KACDOONKA MUQDISHO”, kaasoo ka dhacaaya maanta garoonka kubbadda cagta ee Stadio Benaadir…

Wararka ayaa sheegay in Bannaan-baxan ayaa howlwadeena Madaxtooyadu sheegtay inay kasoo qeybgeli doonaan ilaa 20,000 oo qof, kuna nool caasimadda Dalka ee Muqdisho, waxaana looga soo horjeedaa kooxda argagixisada Shabaabka.

Farriin loo diray Golaha Wasiirada Xukuumadda Soomaaliya ayaa lagu amray inay faraan shaqaalaha Wasaaradahooda ka qeybgalka isu soo baxaan, si loo helo tirada dadka la qorsheeyay inay ka qeybgalaan.

Si lamid ah amarkaan ayaa la dul dhigay Maamulka Gobolka Banaadir, waxaana lagu wargeliyay inay faraan shaqaalahooda kasoo qeybgalka isu-soobaxaan oo Madaxtooyadu ku tilmaamtay inuu yahay mid taariikhi ah.

236680cookie-checkMadaxtooyada Somalia Oo Abaabuleysa Isu soo bax Amarna dul Dhigtay Wasaaradaha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com