Abaabulka Dagaal ee dhanka ka ah Argagixisada Shababka iyo Xagal daacinta Maamulada & Odayaasha

Somalia news

Sanadihii ugu dambeeyay waxaa aad u soo kordhaayay Cadaadiska & cabsi gelinta joogtada noqotay Horjoogayaasha kooxda Argagixisada Shababka ku hayaan Beeraleyada, Xoolo dhaqalada, Ganacasatada iyo Qabaa’ilada miyiga ku nool, iyadoo qeybahaani isku dayeen iney Kacdoon iska caabin ah abaabuleen isla markaasna adeegsiga Xoog lagi caburiyay…

Dalabyada iyo baahida Baada dhaqaale ee loogu yeero (Zakada) Horjoogayaasha kooxdani ay sii kordhaayeen, iyadoo Xoolo, Dalag beeraad oo keyd ah, Hub iyo Wiilal loo adeegsado dagaalada ay kooxdu wado, ayaa xiligaan Kacdoonka Shacbiga ayaa u muuqda mid si wanaagsan u talaabsaday sanadkaan, waana fursad wanaagsan oo ay Dowladu iyo Maamulada uga faa’iideysan karaan.

Ololaha xiligaan socda door weyn kuma lahan Maamulada Gobolada, ilo wareedyo hoose ayaa waxey sheegayaan in Madaxda Maamulada rabaan in Madaxweyne Xasan Sheekh Dhaqaalaha iyo abaabulka dagaalka iyaga lagu wareejiyo, waana sababtaasi ilaa hadda aagag dagaal looga qaadi la’yahay gulufka.

Madaxweynaha ayaa lagu wadaa in Berito uu u safar ku tago magaalada Cadale, isla markaasna xarunta abaabulka Dagaalka ka dhigto, si looga saaro Maleeshiyaadka Shababka Gobolada Shabeelada dhexe, Hiiraan, Galguduud iyo Mudug, waxaana durbadiiba soo baxaaya guux iyo qeylo dhaan ay wadaan Madaxweynayaasha Puntland iyo Konfur galbeed oo saluugsan sida howsha loo wado.

Ku darsoo Odayaal ka Wakiil ah Kooxda Shababka ayaa fariin cod ah u soo diray Saraakiisha Abaabulka Degmada Cadale waxeyna sheegeen “Odayaasha culumada la shaqeeya ayaan ka mid ah ahay, ergo ayaan maanta ka ahay Shababka, sababta aan ergadaan u soo qaadana waa in kan lagu soo duulay iyo kan Xamar ka soo duulay ay ehelkeyga yihiin,” ayuu yiri odagaan ay Shabaabka soo wakiisheen.

Wuxuu sheegay in kooxda Shabaabka ay ka soo balan qaadeen inay dhulka Hawiye isaga baxayaan, balse beesha ay ka rabaan in koonfurta Somalia aysan uga daba tegin oo ammaan ay ka helaan.

“Yaanaa isku baabi’in, waxaan nahay rag ahlu diin ah, waxaan nahay rag tol ah, ee yaanaa isku baabi’in, ninmankii saas ayey nasoo dhaheen, waxaa tihiin walaalahee, waxaa rabtiin wata, dowladaa rabtiin wata, dhulkaan hadaa na dhibsateen waan idinkaga tegeynaa, koonfur ayaan aadeynaa ee hanooga daba imaanina,” ayuu odagaan hadalkiisa ku sii daray.

217640cookie-checkAbaabulka Dagaal ee dhanka ka ah Argagixisada Shababka iyo Xagal daacinta Maamulada & Odayaasha
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com