Share the post "Dowladda Morocco Oo u Yeeratay Danjiraheeda ka Fadhiya Dalka Sweden & Sababta…"
Boqortooyada Morocco ayaa u yeeratay Safiirkeedii ka fadhiyay Dalka Sweden muddo aan la cayimin kadib markii ay Fasax u siisay nin jeexjeexay Kitaabka Qu’aanka Kariimka isla markaasna ku gubay Masaajid ku yaal Magaalada Stockholm..
U yeeritaanka Safiirka ayaa salka ku heysay Dowlada Sweden oo ka gaabisay iney joojiso Falalka naceybka loo qabo Diinta Islamka ee ku soo badanaaya Dalkaasi, waxeyna si adag u cambaareysay Falkaan guracan iyo Diidamada Dowlada Sweden iney xakameyso falalkaan oo joogto ka noqday isla markaasna loo oggolaado in la gubo Kitaabka.

Ninka Falkaan ku kacay ayaa asal ahaan kasoo jeeda Dalka Iraq, iyadoo falkaan kaduacay Xaafada Sodermalm ee magaalada Stockholm, Shaqsigaan ayaa Masaajid hortiis ku gubay xili Muslimiinta Aduunka u dabaaldageyso Ciida Adxaa, go’asnkaan ayaa yimid kafib markii Wasiirka Arrimaha Dibeda Turkiga uu ku tilmaamay Falkaan “Wax la quursado” in la gubo Kitaabka Barakeysan ee Islamka.