Ma Dhabaa in Puntland Dalbatay in dib loo Dhigo Hanaanka Deyn-cafinta..

Somalia news

Warar hordhac ah ayaa tilmaamaya in Maamulka Puntland ay dalbadeen in gebi ahaanba la hakiyo hannaanka deyn cafinta Somalia, inta laga heshiinayo khilaafaadka taagan, talaabadaan ayaa u muuqata mid isbaaro uu uga dhiganaayo Deniga in aan laga cafin deynta..

Maamulka Garoowe ayaa sidoo kale waxba kama jiraan ku tilmaantay war ka soo yeeray Wasiirka Maaliyadda, kaasoo sheegay in aysan wax khilaaf ah ka jirin hannaanka deyn cafinta Dalka, sidoo kale iftiimiyay in hannaanka deyn Cafinta Soomaaliya aanu socon karin, haddii aan laga heshiin khilaafaadka siyaasadeed ee dalka ka jira.

Madaxa Maaliyadda Puntland Maxamed Cabdiraxmaan Dhabancad oo wareysi siiyay BBC-da ayaa beeniyay hadalkii Wasiirka Maaliyadda heer Federaal, kaas oo ahaa in aysan deyn cafintu ku jirin arrimaha ay isku khilaafsan yihiin dowladda Federaalka iyo Puntland.

“Annagu waxaan lee nahay deyn cafinta hadda sida lagu wado Somalia ayay khatar ku keenaysa, Waxay Dalka dib ugu celin kartaa dagaallo ahliya, Waxaan doonaynaa in la hakiyo oo dib loo dhigo miiska wada hadalkana la isugu yimaado” ayuu yiri  Dhabancad.

263370cookie-checkMa Dhabaa in Puntland Dalbatay in dib loo Dhigo Hanaanka Deyn-cafinta..
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com