Xuutiyiinta Oo Khalkhal Geliyay Amaanka Badda Cas & Marinka Bab el Mandab..

World

Bilihii ugu dambeeyay Maraakiibta Xamuulka kuwa shidaalka ayaa cabsida ay ka qabaan Weerarada Kooxda Xuutiyiinta sii kordheysa iyagoo adeegsanaaya Gantaalada Rudada dheer, Drones-ka is-qarxiya iyo Drones-ka Quusa, iyadoo ilaa hadda Maraabiibka la beegsaday ay kor u dhaafayaan 20-Markab..

Bishii la soo dhaafay kaliyah, Xulafada Mareykanka & UK ayaa Dalka Yemen ka fuliyay ugu yaraan 200 oo duqeymo ah oo cirka ah oo isugu jira Gantaalo iyo Bambooyin la hago, Dhammaan dadaalladan Mareykank, oo inta badan ka geystay dhagxaan iyo buuro, ayaa ku guuldareystay iney furaan marin biyoodka Bab el-Mandeb, Waxaana Duqeyntaan ay waxyeelo soo gaartay Dadka Rayidka ah, ku darsoo Weerarada Kooxda Xuutiyiinta ayaa waxyeelo u geystay tiro Maraakiib dagaal oo ay kala leeyihiin USA & UK iyo Maraakiib ganacsi oo aad u badan.

Xulafada USA iyo UK ayaa la kulmay jabkii ugu weynaa ee dhanka Badda tan iyo dagaalkii 2-aad ee Aduunka oo ay kala kulmeen koox faro ku tiris ah oo ku sugan buuraha Yemen, Sarkaal Duuliye Diyaaradaha B-52 oo Howlgab ah una dhashay Dalka Mareykanka ayaa sheegay Diyaaradaha iyo Maraakiibta Dagaalka ee USA xoog kuma bedel, karaan Siyaasada iyo Danaha Dalka Iran iyo Kooxaha Xulafada la’ah.

Maraykanku wuxuu dagaal kharash badan oo laga fiirsan ku qaaday kooxda Xuutiyiinta isagoo in ka badan 200-Gantaal oo kuwa Cirka ah ku kacaya midkiiba 4 Millions US$ ah ku garaacay Bartilmaameedyo aan la hubin, Barnaamijka 60 Minutes ee CBS ee Maraykanka ayaa baahiyay in USA ay laga soo riday laba diyaaradood oo nooca (Drones) MQ-9 oo midkiiba ku kacaya 30-Millions US$ 48-saac ee u dambeeyay.

309970cookie-checkXuutiyiinta Oo Khalkhal Geliyay Amaanka Badda Cas & Marinka Bab el Mandab..