Dowladda Oo Bixineysa Qalabka Saadasha Hawada

Somalia news

Wasaarada Gargaarka iyo Masiibooyinka ayaa Ka bilaabay barnaamij Dowlad Goboleedyada looga hirgelinayo xarumaha la socodka saadaasha hawada, sii saadaalinta halista masiibooyiinka iyo ka digistooda….

Wafdi uu hoggaaminayo Sii Hayaha Wasiirka Gargaarka & Maareynta Masiibooyinka Somaliya, Xamza Siciid Xamza ayaa Talaadadii Magaalooyinka Kismaayo iyo Baydhabo gaarsiiyay qalabka saadaasha hawada.

Wafdiga Wasiirka oo ku hormaray Magaalada Kismaayo ayaa waxay qalabkaasi ku wareejiyeen masuuliyiinta Jubbaland ee ku shaqada leh, Wasiirka oo Kismaayo ka hadlayay ayaa yiri

“Somaliya kuma sii jiri karto masiibooyinka isu badbadala, sida abaar, fatahaad iyo dabeylo oo hadda nagu soo batay. Dowladda Somaliya waxay go’aan ku gaartay in la helo xal-waara, waxay taasi waajib ka dhigtay in aan ka wasaarad ahaan guntiga dhiisha isaga dhigno, sidii loo heli lahaa hay’ado karti leh, awooda in ay ilaaliyaan nafta, duunyada iyo ilaha nololeed ee uu qarankan ku tiirsanyahay.”

Wafdiga Wasiirka oo intaasi ka dib u amba-baxay Magaalada Baydhabo ee Xarunta KMG ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa qalabkaasi ku wareejiyay Cabdulqaadir Sheekh Baraka, Wasiir Kuxigeenka Wasaaradda Gargaarka & Masiibooyinka Koonfur Galbeed.

Baraka oo ka hadlay munaasabad kooban oo qalabkaasi uu kula wareegayay ayaa kaga mahadceliyay Dowladda Federaalka juhdiga ay iminka ku bixineyso, sidii loo yarayn lahaa saamaynta ka dhalan karta masiibooyinka dabiiciga ah.

Wasiir Xamza ayaa isna yiri “Waa qalabkii ka hortagga halis wadareedka. Ballanka ay qaaday dowladda ee ah in gobol kasta la gaarsiiyo mashruucaas ayaana ku jirnaa. Waxaan ku guuleysanay inaan gaarsiino Puntland, Jubbaland iyo Koonfur Galbeed, Arbacadana waxaan gaarsiin doonnaa Hirshabelle iyo Galmudug.”


56790cookie-checkDowladda Oo Bixineysa Qalabka Saadasha Hawada