Dowlada Federaalka iyo Tan Galmudug oo Looga Digay Dulaaleyda Dulmiga ku Naaxay ee Konfurta Gaalkacyo

Somalia news

Todobaadkii tagay waxaa mar kale iisha shaashada soo qabtay Dilaalinta muufeysiga muddo dheer ku soo ilma korsanaayay kana taajiray, kuwaasoo ka kooban Hogaamiye kooxeed muddo xoog ku heystay Matalaada iyo Xilal qeybsiga Beesha Degta Konfurta Gobolka Mudug…

Kooxdaan oo isugu jira Siyaasiyiin ku sheeg Gadisley ah iyo Odayaal muddo dheer seynta uga taagnaa saami qeybsiga iyo hormarka Konfurta Gobolka Mudug, Kooxdaan oo ay hoggaamiayaan Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid), Liibaan Axmed Xasan (Shuluq), ina Jaamac Seed iyo kuwo kale ayaa waxa ay maalmihii la soo dhaafay dadaal xooggan galiyeen in M/weyne Qoor Qoor uusan dhag u dhigin tabashada beesha Reer Nimcaale, kuwaasoo Maleeshiyadkooda muddo todobaad ah xayireen Gaadiidka isaga kala goosha Mudug iyo Galguduud.

Kooxdaan ayaa waxa ay isku dayeen in ay Qoorqoor ku qanciyaan inuu dhagaha & indhaha ka fureysto wixii todobaadkaan Gaalkacyo ka dhacay, u jeedkoodu waa in Sacad uusan xuquuqdiisa helin”, ayuu yiri mid ka mid ah odayaasha Sacad ee u sugan Gaalkacyo.

Shaqsiyaadkaan oo la xasuusto iney Maamulkii Farmaajo qabaan ama saaxiib kula ahaayeen hagar-daamada iyo lug-gooyada Beelaha Gobolada dhexe, waxaan horgalayaal u ah Cabdi Qaybdiid, Liibaan Shuluq, Cabdinasir Jamac Seed, Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Calool Geel) ina Tahliil Warsame, Waxaana loogu baaqay Maamulka Xasan Sheekh iyo kan Qorqor ineysan kala tashan Horgalayaashaan hunguriga danta ja dhigtay.

214890cookie-checkDowlada Federaalka iyo Tan Galmudug oo Looga Digay Dulaaleyda Dulmiga ku Naaxay ee Konfurta Gaalkacyo
Malabow

Mr.Malabow is a Senior Writer and Editor at the Strategic Intelligence, Specializes in writing intelligence reports, geopolitics, military intelligence and organize crime reports.

http://diinah.com

1 thought on “Dowlada Federaalka iyo Tan Galmudug oo Looga Digay Dulaaleyda Dulmiga ku Naaxay ee Konfurta Gaalkacyo

  1. Waa Morgan Carkow ah oo xishoodkii meet soo dhigtay unable soo jeestay Xoolo xaraan inuu ilmahiisa ku quudiyo duf ku bax

Comments are closed.