Damacyada Guracan ee Maamulada Jubbaland & Konfur Galbeed ee Dib u Doorashadooda & Taag darrada Mucaaradka..

Somalia news

Waxaa marqaati ma doonta ah in Dib u soo laabashadii Doorashadii Muranka iyo Khilaafka hareeyay ee Puntland ay dhabaha u xaartay isla markaasna dhiiri gelisay Maamulada Gobolada Jubbaland iyo Konfur galbeed kuwaasoo qorsheynayaan iney qaadaan talaabooyinka ay ku doonayeen sidii dib ay ugu soo laaban lahayeen Talada…

Ilo wareedyo ayaa daaha ka qaaday Maamulada Galmudug iyo Hirshabelle aysan heysan fursadaha ay xiligaan heystaan Maamulada Jubbaland & Konfur galbeed kuwaasoo Qorshayashooda iyo dhaqdhaqaaqyada ay xiligaan wadaan laga dareemay magaalooyinka Beydhabo iyo Kismaayo, iyagoo Heegan geliyay Xoogaga Amaanka oo ay gacanta ku hayaan.

Xuuraan si hordhac ah loo helay ayaa xaqiijonaaya in Madaxweynaha Konfur galbeed Cabdicasiis Laftagareen uu ku howlan yahay olole ah in wax laga bedelo Dastuurka Koonfgur Galbeed, taasoo la leeyahay waxay sahli kartaa inuu dib u soo laabto talabadaan waxeyna horseedi karta boobka Doorashada Xubnaha Mucaaradkana u diido iney ka soo degaanka Garoonka Diyaaradaha.

Halka Sheekh Axmed Madoobe uusan laheyn Mucaarad xoogan oo degaanka ku sugan inkastoo Xubnaha kala jooga Mogadishu & Nairobi ay noqdeen kuwa aashuun ku aadin ah, isagoo doonaya in xiriirka wanaagsan ee kala dhaxeeya Madaxyooyada Villa Somalia Xafiiska Wasiirka 1-aad u adeegsado inuu ku kala jebiyo Mucaardkiisa.

316570cookie-checkDamacyada Guracan ee Maamulada Jubbaland & Konfur Galbeed ee Dib u Doorashadooda & Taag darrada Mucaaradka..