Guuleed Oo Loo Diiday Inuu Galo Nairobi

Somalia news

Ilo wareedyo loo qaateen ah ayaa Diinah.com u sheegay, in Saraakiisha Socdaalka Magaalada Nairobi ay u diideen Mr.Cabdikariim Xuseen Guuleed inuu gudaha u galo Magaalada, iyagoo u sheegay inuu dib u noqdo…

Xogtaan ayaa tilmaamtay in dhacdadaan ay dhacday sadax habeen ka hor laga celiyey Garoonka Diyaaradaha JKIA ee magaalada Nairobi isagoo ka yimid Dalka Turkiga.

Sida aan ka soo xiganay dad xogogaal ah, Mr.Cabdikariim wuxuu watay markii uu yimid dalka Kenya Baasabor Soomaali ah oo noocaha Diblomaasiga ah oo aan saarneyn Viiso Kenya ah laakiin saaran degenaasho dalka Turkiga ah, maadamaana dalka Turkiga uu hanti badan ka iibsaday.

Mr.Cabdikarimayaa in mudo ah isku dayay in uu khadka taleefanka kula xiriiro Mas’uuliyiin Somali iyo Kenyaan ah, nasiib darro waan ku hungoobeen dadaaladii ay waden.

Mr.CabdikariimXuseen Guuleed ayaa ugu dambeyntii waxaa loo  sheegey inuusan dalka soo gali karin waxaana lagula taliyay inuu ku noqda dalka uu ka yimid ama uu u safro dalal kale oo aqbala baasaboorka Somalia, wuxuuna helay Tikit diyaaradeed kaasoo uu ku aaday dalka Ethiopia oo Baasaborka Soomaaliga lagu galo Viiso la’aan.

56760cookie-checkGuuleed Oo Loo Diiday Inuu Galo Nairobi