Share the post "Duqeyn Diyaaradaha UAE oo Duqeeyay Dad Rayid ah oo Degan Buuraha Calmiskaad.."
Macluumaad hordhac ah ayaa laga helayaa Duqeymo ay fuliyeen Diyaarado Drones ah oo laga leeyahay Dalka UAE degaanada ku xeeran Buuraha Calmiskaad ee Gobolka Bari Puntkand ayaa la xaqiijiyay iney ka dhasheen khasaare isugu jira dhimasho & dhaawacyo soo gaaray Dad Rayid ah oo degaanadaasi ku nool…
Wararka ayaa sheegaya in Duqeyntani ay dhacday Togga Miraale ee Buuraha Calmiskaad ay qoys reer miyi ah waxyeello ka soo gaartay duqeyntii diyaaradeed ee ay xalay dowladda Imaaraadka Carabtu ka fulisay togaasi, iyadoo ugu yaraan 9-Qof oo isugu jira Rag, Dumar iyo Caruur ay ku dhinteen Duqeyntaasi, Falkaan ayaa lagu tilmaamay Xasuus ula kac ah oo ay geysteen Diyaaradaha UAE.
Waxaa la xaqiijiyay in tiro kalena ku dhaawacmeen, kadib markii Duqeynta Drones-ka togga Miiraale lagu beegsaday Qoysaskasn Reer Miyiga ah, waxaana ay intaasi raaciyeen in aysan dhaawacyadu deg deg u heli karin gurmad caafimaad, maadaama aysan dhulkaasi gaadiidku geli karin, Maamulka Puntland iyo Dowlada Federaalka ayaa ka wada gasbsaday iney ka hadlaan dhacdadaan.